FeaturedSomali News

10-qodob ka ogow, isbeddelkii  Xasan Cali Khayre kusameeyay ciidamada dalka.

 

Tan iyo burburkii dawladdii Millateriga, Soomaaliya hore ugamay dhicin in la ogaado tirada dhabta ah ee ciidammada dawladda iyo agaagga ay ku sugan yihiin iyo sidookale macluumaadka muhiimka ah ee ay kamidyihiin magaca akariga, da’diisa , darajadiisa ciidan iyo aagga uu ka hawl galo.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa noqday masuulkii ugu horreeyay ee ku dhiirrada in hawshaas culus uu dhabarka u rito, waxaana markii ugu horraysay uu suurta geliyay wax ka qabashada hawlaha soo socda.

1.Tiro-koobkii ugu horreeyay ee laga sameeyay ciimmada.

2. Wax ka beddelka qaab-dhismeedkii ciidamada.

3. Wax ka beddelka hoggaanka dhexe ee ciidamada.

4. Waxa uu meesha ka saaray tobaneeyo qandaraas oo musuq-maasuq lagu bixinjiray.

5. Diiwaan gelinta electronic casri ah oo lagu sameeyay ciidanka xoogga.

6. Ogaansha goobta rasmiga ah ee uu ku sugan yahay askarigu iyo saannaddiis.

7. Darajadiisa ciidan.

8. Xaaladda caafimaad ee askari kasta.

9. Xiriirka  ehelkiisa.

10. iyo xisaabtiisa bangiga.

 

Marka arrinta laysku soo xoorriyo, waxaa xaqiiqo ah in mudane Xasan Cali Khayre uu yahay masuulka keli ah ee ku dedaalay in uu markasta ka wara hayo, xaaladda ciidamada kala duwan ee dalka maadaama arrinka ugu wayn ee Soomaaliya ay baahida u qabtaa uu yahay amniga iyo xasaloonida taasina ay ku xirantahay xaaladda ciidammada dalka oo xillikasta isha lagu hayo.

Back to top button