Somali News

15kii Xildhibaan ee kulamada laga ganaaxay oo sheegay in ay tagayaan kulanka Berri

15kii Xildhibaan ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan uu 5 kulan ka mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka ayaa waxaa ay sheegeen in ay berri ka qeybgalayaan.

Xildhibaannada oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulanka berri ay tagayaan wixii halkaas ka dhacana uu mas’uul ka yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamo ka soo goostay AL shabaab lagu wareejiyay amaanka Xarunta Ciidamadii shalayna uu watay Nin ka tirsanaa Al shabaab kaas oo uu magaciisa ku sheegay Shakiib.

Mahad ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka uu fashilmay islamarkaana uu handaday XIldhibaannada taas oo meel ka dhac ku ah xeer hoosaadka Golaha shacabka.

Golaha Shacabka ayaa berri oo Isniin ah leh kulan uu maanta ku dhawaaqay Guddoonka Waxaana digniin loo diray Xildhibaannada 15ka ah ee shalay carqaladeeyay kulankii Baarlamaanka.

Back to top button