FeaturedSomali News

2- arrin,oo gebolka Gedo uu caqabada ugu noqday furitaanka shirka Muqdisho .

 

Ismarin waaga siyaasadeed ee hareeyay shirka lagu wado in uu magaalada Muqdisho uga furmo Dawladda Federaalka ah iyo madaxda maamul goboleedyada, ayaa waxaa xudun u noqday gobolka Gedo oo ay ku muransayihiin maamulka Jubbaland iyo DFS.

Dawladda Federaalka ah,ayaa horraantii sannadskan ciiddamo hor leh geysay magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo.Waxaana  inta badan maamulkiisa gacanta ku haysa dawladda federaalka ah, marka laga tago maagalada Ceel-waaq oo hadda hoostimaadda maamulka Jubbaland.

Madaxwayneynaha Jubbaland Axamed Maxamed Islaam,ayaa shuruudda ugu weyn ee furitaanka shirka arrimaha doorashooyinka waxa uu ka dhigay in Dawladda Federaalka ahi ay ciidamadeedka ka saarto guud ahaan gobolkaasi Gedo ka hor inta aanu furmin shirku.

 

Haddaba labadan qodob, ayaa la aaminsan yahay in xuddun  ay u yihiin muranka gobolkaasi.

  1. Madaxweyne Madoobe oo doonaya in uu gacanta ku dhigo gobolkaasi islamaarkaan geeyo ciiddammo isaga ka amarqaato, is uu masuul uga noqdo guud ahaan arrimaha siyaasadeed ee gobolka Gedo.

  1. Farmaajo iyo Axmad Madoobe, oo sifiican u fahamsan miisaanka siyaasadeed ee uu leeyahay gobolkaasi, marka laga hadlayo kuraasta baarlamanka ee kasoo bixi karta, arrintaas oo ninkastaa uu ku xisaabtamayo in uu maamulo.

 

Back to top button