FeaturedSomali News

2 Cabsiyood, oo Axmad Madoobe deg deg ugu celiyay Kismaanyo |  Akhri xogtan.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa gelinkii dembe ee Jimcihii shalay waxa uu si deg deg ah ugu kicitimay magaalada Kismaanyo kadib markii ay soo bexeen wararka sheegaya dilka guddoomiyihii rugta ganacsiga ee maamulka  Jubbaland Shaafi Raabbi Kaahin iyo dad shacab ah oo lagu laayay qarax ka dhacay magaalada Kismaanyo.

 

Bixitaanka deg deg ah ee Axmad Madoobe oo kamid ah labada nin ee dartood loo qabanayo shirka maanta oo Sabti ah ka furmaya magaalada Muqdisho, ayaa loo sababaynayaa labadan arrimood;

 

  1. Axmad Madoobe, oo ah nin aad uga feejigan shir-qool siyaasadeed oo uu ka cabsi qabo in xilka looga tuuro muddada uu Xamar ku mashquulsanyahay, ayaa is dareensiiyay in dhacdada shalay ee Kismaanyo ay hordhac u tahay hadimooyin siyaasadeed lala maaganyahay in meesha looga saaro.

  1. Dilka guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland, ayaa sababay in ammaankii magaalada Kismaanyo uu faraha kabixi gaaro, waxaana sida lasheegay aad u gadoodsan qabiilka uu kasoo jeedey guddoomiyihii ladilay iyo weliba dadkale oo weheliya. Arrintaasi waxa ay Madoobe ku qasabtay in uu ka qaby galo aaska marxuunka ladilay si uu u muujiyo in murugada uu la wadaagayo  beesha ay ka dhasheen dadka la’laayay.

 

Sikastaba ha ahaatee, Axmad Madoobe oo ah ninka ugu mayalka adag madaxda maamul goboleedyada uu shirku maanta uga furmayo Muqdisho, ayaan la caddayn karin in uu kasoo gaarikaro  furitaanka shirka iyo in kale.

 

Back to top button