FeaturedSomali News

2-kamida su’aalaha ka taagan cidda uu xilka kala wareegayo Raysal wasaaraha cusubi, Khayre Mise Guuleed. ?

 

Su’aalo dhawra ayaa ka taagan xil-lawareeggidda raysal wasaaraha cusub ee uu magcaabay maxadweyne Farmaajo, maadaama ay sharciga baalmarsanayd qaabkii uu Xasan Khayre kaga baxay xafiiska iyo weliba qaabka loo magcaabay sii’hayaha raysal wasaaraha oo gabi ahaanba sharciga ka baxsan.

 

Dastuurka ku ma jiro qodob qeexayo jiritaanka xukuumad xil sii’haye ah. Haddii Ra’iisul Wasaaruhu xilka banneeyo, waxaa se si cad  Qodobka 97 (4) u qeexayaa in sidaas xukuumaddii ku dhacday. Iyada oo taasi ay jirto, ayaa madaxweyne Farmaajo markii ugu horraysay magcaabay sii’haye raysal wasaare iyada oo xukuumaddii dhacdayna ay sii shaqaynaysay muddo laba bilood ku dhow.

 

Muddadaas ay xukuumadda xil-gaarsiintu shaqaynaysay, waxaa la fuliyay hawlo badan oo ay sharci darro iyo dastuur jabin ay ku tilmaameen gar-yaqaanka dalka iyo maxda mucaaradka ah. Waxaana lasheegayaa in ay dhacday hanti-boob iyo musuq maasuq meel fog gaaray.

 

Wararka aannu helaynno, ayaa tilmaamaya in maalinta berri ee Axadda ah uu xilka la wareegi doono raysal wasaaraha cusub ee Maxamed Xuseen Rooble. Waxaase iswaydiini ka taagantahay sida ay u dhacayso xil-wareejintaasi iyo cidda uu xilka kala wareegayo.

 

Wararka , ayaa sheegaya in Xasan Cali Khayre uu warqad  u gudibiyay raysal wasaare Rooble isla markaana ku sheegay in uu rabo in xilkii iyo xogtii uu qaranka u hayay  uu ku wareejiyo Eng Rooble oo ah raysal wasaaraha isaga bedelay.

 

Geesta kale, waxaa lasheegayaa in Mahdi Guuleed laftiisu uu isu diyaariyay in xilka uu ku wareejiyo raysal wasaaraha cusub, isaga oo dhowaanna magcaabay guddiga xil-wareejinta oo ka kooban xubno wasiirro ah.

 

Dastuurka dalka, ayaa qeexaya in Raysal wasaare sifo sharci ah lagu magcaabay, uu xilka kala wareegi karo keliya raysal wasaarihii isaga ka horreeyay haddii  aanay geeri ku iman raysal wasaaraha hore.

 

 

Si kastaba ha ahaatee , waxaa layswaydiinayaa sida ay u dhici karto xil-wareejinta lasheegay in ay ku beegantahay maalinta berri iyo midda uu xilka kala wareegayo Raysal wasaare Rooble  Xasan Cali Khayre mise Mahdi Guuleed ?

 

Back to top button