FeaturedSomali News

2 sababood,oo Koonfur Galbeed ay u diidday ka qayb galka tartanka Ciyaaraha

 

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha maamul-goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose aysan ka qeyb geli karin tartanka cayaaraha degmooyinka ee gobolka Banaadir.

Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan jirin casuumaad rasmi ah oo uga timid maamulka Banaadir oo ah in degmadaas ay ka qeyb gasho tartanka cayaaraha degmooyinka.

 

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu xusay in guud ahaan degmooyinka Koofur Galbeed aysan ka qeyb geli karin cayaaro aysan si rasmi ah ugu meteleyn maamul-goboleedkaas.

Diidmada wasaaradda ciyaaraha Koonfur Galbeed, ayaa ku salaysan labadan qodob.

 

  1. In aan lagu soo casuumin tartanka.

  1. Iyo in ay Koonfur Galeeb rabto in ciyaartoogeedu ay matalaan Dawladda goboleedkooda oo aan degmo- degmo looga qayb gelin ciyaaraha.

Tartanka cayaaraha degmooyinka Banaadir oo sanad walba la qabto ayaa lagu wadaa inuu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho.

 

Back to top button