Somali News

20 qof oo ku dhintay weerarkii Maqaayada Luul Yemeni

Inta la xaqiijiyay 20 qof ayaa dhimatay halka 30 kale la sheegay in ay ku dhawaacameen kaddib markii weerar loo adeegsaday Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday.

Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah ee Aamin ayaa sheegay in meydadka 20 qof iyo dhaawaca 30 kale ay ka qaadeeb goobta.

Waxyaabaha Khasaraaha kordhiyay waxaa ka mid ah Guri Dabaq ah oo Maqaayadda ka soo horjeeda oo burburay kaad oo ay dad degganaayeen sidoo kalena ku yaalleen goobo Ganacsi.

Dhowr maalmood ka hor ayaa farriin la xiriirta Qaraxyo ka dhici kara Magaalada 5ta ilaa 8 March la baahiyay iyadana oo aan la sheegin goobta la beegsanayo marka laga reebo dhowr meelood.

Back to top button