FeaturedSomali News

Doonyo loogu ololeynayo Trump, oo degay

Tiro kamid doonyo loogu ololaynayay madaxweyne Trump, ayaa ku qarqoormay horo weyn oo ku taalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

 

Taageerayaal horey kasii bilaabay ololaha doorashada dalka Mareykanka ee lagu waday in waddankaas ay dhacdo bisha soo socota ee November, ayaa ka daatay doonyaha inkasta oo lasheegay in laga bad-baadiyay oo aanay jiri cid waxku noqotay.

 

Kacsanaanta harada, waxaa sabab u ah maraakiib la sheegay in ay ku sii jeedaan Harada Lake Travis oo ku dhaw caasimadda gobolka  Taxes ee Austin.

Dabbaaldegyadan, waxaa loogu magac daray Lake Travis Trump Boat Parade. Waxaana laga abaabulay warbaahinta ay bulshadu ku xiriirto

Back to top button