FeaturedSomali News

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ka digtay khatarta fatahaadda Beledweyne oo sii xoogaysanaysa.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ka digtay khatarta fatahaad intan ka badan oo Webiga Shabeelle uu ka sameeyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Heerka ya hadda fataahaaddu marayso, ayaa sababtay in barakac ka bilawday xaafada waaweyn ee magaalada Beledweyne.

 

Wassaaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta masiiboyinka ee Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniin cusub oo la xiriirta fatahaad kale oo baaxad leh inuu sameyo wabiga Shabelle todobaadyada soo socda.

 

Saadaasha Hawada, ayaa sheegtay in roobab xooggan oo mahiigaan ah ay ka da’ayaan dhulka sarre ee gudaha dalka Itoobiya halkaaso Wabiga Shabelle kaso bilawdo. Waxaan casbi laga qabaa in khatartu ay sii xoogaysato.

Back to top button