FeaturedSomali News

Mareykanka oo  baaq u diray madaxweynayaasha Soomaaliya

 

Safiirka  dalka Maraykanka Soomaaliya Ambassador Donald Yamamota, ayaa  madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya  iyo dawladda federaalka ah ugu baaqay in shirka ay gu gaaraan go’aammo lasku raacsan yahay oo ku saabsan doorashooyinka ku soo wajahan waddanka.

 

Ambassador Yamamota, oo kulan la qaatay madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa si gaara ula hadlay madaxda maamul goboleeda oo uu sheegay in looga baahanyahay is afgarad shirka lagu gaaro.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Maraykanku ku leedahay Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in hoggaamiyayaasha Soomaaliya looga baahanyahay is afgarad ballaaran laga gaaro qabsoomidda doorashooyinka dalka.

 

“Soomaaliya waxay u baahan tahay in hoggaamiyayasheeda ay dhammaystiraan mabaadi’da heshiis ku saabsan is afgarad sal ballaaran, oo ah halka lagu gaari karo doorasho la isku raacsan yahay,” ayaa lagu sheegay  qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Shirka la filayo in maalinta Sabtida ah ee Barrito uu ka furmo Muqdisho, ayaa la rajaynayaa in ay ka soo baxaan heshiisyo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka dalka wakhtiga ay qabsoomayaan iyo qaabka loo gelayo.

 

Back to top button