FeaturedSomali News

Musharax Labaad, oo shaaciyay in uu tartan ugu jiro madaxtooyada Soomaaliya | Akhri xogtan

 

Wasiirkii Maaliyadda wakhtigii uu Farmaajo ahaa raysal wasaaraha, ayaa ku dhawaaqay hankiisa musharax madaxweye doorshada Soomaaliya ee 2020-2021.

 

Xuseen Cabdi Xalane, oo ah hoggaamiyaha  Xisbiga Nolosha iyo Caddaaladda, ayaa sheegay in uu isu diyaariyay tartan madaxweyne ee doorshada Soomaaliya.

Wuxuu ahaa wasiirkaa maaliyadda xukuumaddii Farmaajo Novermber 2010 ilaa  june 2011.

 

Xalane, ayaa ballan qaaday in uu wax kaqa bandoono xaaladda ammaanka iyo xasiloonida dhaqaalaha.

Xuseen Cabdi Xalane, ayaa noqonaya musharixii labaad ee ku dhawaaqa hankiisa muddo saddex maalmood gudahood ah. Ra’iisal wasaare hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Sabtidii shaaciyay hankaasi ayaa ka horreeyay.

Back to top button