FeaturedSomali News

244 qoys oo ku barakacay fatahaadda Webiga Shabeelle | Akhri xogtii ugu dambeysay.

Qasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay fataahadda Webiga Shabeelle, ayaa saamaysay ilaa  92-tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida uu sheegay maamyulka gobolka.

 

Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ay fatahaadda wabiga ku barakaceen in ka badan 244-kun oo Qoys, kuwaas oo isugu jiray Beeraley, Xoolo dhaqato iyo dad tuulooyinka dagana, oo wakhtigan u baahan kaalmo.

Fathaadda Webiga, ayaa baabi’isay waxsoosaarkii beerlay badan oo ku dhaqan  deegaannadaasi.

Dadka ku barakacay fatahaadda ayaa qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay maareeyaan nolol maalmeedkooda.

 

Waxa wali jira cabsi laga qabo inay fatahaaddu gaarto deegaano kale, xilli wadooyinka qaar ay biyo lixaad leh ay xireen, sida maamulka gobolku sheegay.

 

Wasiiradda Gargaarka Soomaaliya, ayaa dhawaan ka digtay fatahaadda Webiga Shabeelle oo kasoo burqanaya buurlayda Itoobiya.

Back to top button