FeaturedSomali News

Dagaal ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Dhuusa-mareeb

 

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gal-mudug, ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay habeennimadii xalay weerar ku qaadday garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Ilaa hadda lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay, dagaalkan oo socday muddo lagu qiyaaso bar-saac.

Dagaalka, ayaa dhexmaray dagaalyahanno katirsan Alshabaab iyo ciddamada Djibouti oo qaybka ah AMISON isla markaana gacanta ku haya garoonka.

Wararka aannu helayno, ayaa sheegaya in maleeshiyadii Alshabaab laga saaray goobta.

Maamulka Gal-mudug iyo xarakada Alshabaab, ayaan midkoodna weli ka hadlin dagaalkan ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusa-mareen.

 

Back to top button