FeaturedSomali News

Raysal wasaaraha cusub oo codka kalsoonida ah baraha bulshada ku waydiistay baarlamanka.

 

Raysal wasaaraha lamagcaabay ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa codsi uu kalsoonida ku waydiisanayo golaha shacabka, waxa uu usoo mariyay baraha bulshada.

 

Qoraal lagu daabacay  barta Facebook ee Villa Somalia, ayuu Rooble ku sheegay in dareen masuuliyadeed uu ku aqbalay magcaabista madaxweyne Farmaajo.

 

 

“”Asalaamu Caleykum Wa raxmatullaahi wa barakaatu. Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya’’ ayaa lagu yira qaybta hore ee qoraalka.

 

‘’Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga’’

 

 

Ilaa hadda lama xaqiijin in ninkan la magcaabay uu ku sugan yahay Muqdisho iyo in uu qoraalka kasoo qoray meel ka baxsan waddanka.

Back to top button