FeaturedSomali News

Ciidammo cusub oo la wareegay xabsiga dhexe ee Xamar | Akhri xogtan.

 

Wararka saakay oo Talaado ah laga helaya xabsiga dhexe Xamar, ayaa sheegaya in gabi ahaanba la dareeriyay ciidamadii ilaalada ee xabsigaasi iyo baraha kaantarool ee ku wareegsan.

 

Ciidammo cusub oo laga keenay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed oo muddo ku sugnaa Muqdisho, ayaa lasheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta xabsiga.

 

Ciidankan oo  laga keenay Baydhabo in muddo ahna ku sugnaa Muqdisho ayaa dhowaan si rasmi ah loogu daray ciidanka Asluubta, waxaana la sheegay in hore uu u diiday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, isagoo sabab uga dhigay in loo baahan hubin badan iyo in la meeleeyo xuquuqdooda, Sida ay daabacday shabakedda wararka ee Caasimadda online.

 

Arrintan, ayaa timi kadib weerar ay dadku dhinteen isla markaana ay maxaabiisi xabsiga ka daateen oo dhacay 10-kii bishoo August ee sannadkan.

Xogo hoose ayaa sheegaya in ciidankani u badan yihiin qaraabada taliyaha cusub ee la magcaabay Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dhawaan kamid noqday ciidanka xabsiga.

 

Back to top button