FeaturedSomali News

Muxuu yahay khilaafka ka dhexetaagan madaxweyne Qoor-qoor iyo Ciidanka Xoogga dalka?

 

Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa xilkii ka qaaday taliyihii madaxtooyada ee maamulkaasi kadib markii uu meel xun gaaray khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo ciidammada Milliteriga.

Muranka oo ka dhashay cidda lagu wareejinayo hub ay leedahay Ahlu Sunna, ayaa keenay in uu soo shaacbaxo khilaafka ka dhex abuurmay madaxweyne Qoor-qoor iyo saaraakiisha ciidanka Xoogga Dalka qaybta 21-aad.

 

Madaxweyne Qoor-qaar, ayaa amar ku bixiyay in hub ay lahayd Ahlul Sunna si rasmi ah loogu wareejiyo wasaaradda Amniga ee Galmudug. Laakiin waxaa arrintaas kasoo horjeestay Taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad ee ciidanka xoogga Jen. Mascuud oo sheegay in hubkan ay leedahay midkamida beelaha dega Gal-mudug.

 

Taliyaha ciidanka madaxtooyada Galmudug, ayaa  hubkaas ku wareejiyay taliska Guutada 15aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka Qaranka. Waxaana arrintaasi keentay in Qoor-qoor uu xilkii ka qaado tiliyihiisii madaxtooyada.

 

Wafti kasocda dawladda Federaalka ah oo ay qayb ka yihiin saraakiil sare oo ciidanka ah, ayaa  Sabtidii shalay gaaray magaalada Dhuusa-mareeb.

 

Ugu yaraan  200 askari oo ka tirsan Booliska gaarka u tababaran ee loo yaqaanno Haramcad ayaa iyaguna shalay gaaray magaalada Dhuusa-mareeb, iyada oo lasheegayo in ciidanka uu dalbaday madaxweynaha Gal-mudug Axmad Cabdi Kaariye ( Qoor-qoor).

Back to top button