FeaturedSomali News

Djibouti iyo Asmara: Nasteexa iyo nacabka Soomaali, garashada Khayre iyo Farmaajo.

 

Dawladda Djibouti oo ah dal iyo dad Soomaaliyeed oo in badan garabtaagnaa qarannimada, madaxbannaadi iyo horusocodka bulshada Soomaaliyeed, waxa ay cadaw daahii go’ay yihiin Erertia oo ay dhexmareen dagaallo boqollaal qof ay ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen oo ka dhashay dhul-ballaarsi ay waddo Eretria.

 

Dagaal saddex maalmood socday bishii June ee sanadkii 2008 –kii,  Djibouti waxaa uga dhintay 44 askari halka Eretria-na ay ku weydey 100 askari. Welina waxaa jira maxaabiis Djiboutian ah oo ku jira xabsiyada Eretria laakiin ay dafirsantahay dawladdu.

Taageerada Djibouti ay waligeed la garabtaagnayd Soomaaliya kasaw, labada dhinac waa gacal iyo sokeeye goorwalba ay waajibtahay in ay noqdaan gacmo wadajira, halka Etretria ay waligeed ahayd meesha laga soo maleego weerarrada lagu duminayo dalka Soomaaliya oo ay waajibtahay in laga feejignaado oo layska fogeeyo.

Haddaba kala garashada  cadawga iyo saaxiibka Soomaaliya, waxa aad loogu kala saari karaa socdaalka ay Khayre iyo Farmaajo ku kala tageen Djibouti iyo Asmara.

Khayre, waxa uu sifiican u famsanyahay dedaalka  uu Ismaaciil Cumar Geelle lagarab taaganyahay Soomaaliya iyo rajada uu ka qabo Soomaaliya mida, madaxbannaan oo soo ceshata maqaamkii ay ku lahayd adduunka.  Waxaa kale oo uu fahamsanyahay, dhibaatada ay Eretria gaadhsiisay dib-udhiska qarrannimada Soomaaliyeed. Taasina waa sababta uu safarkiisii koobaad ugu tegey Djibouti.

 

Geesta kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa socdaal ku tegay Asmara oo ay shirku kuyeesheen Isaias Afwerki.

Socdaalka Farmaajo ayaa kor usii qaadaya cadhadii ay dawladda Djibouti ka qaaday heshiis uu hore ula galay dalkaasi.

 

Madaxweyne Farmaajo, ayaa bishii July 20018, waxa uu heshiis   aad uga cadhaysiiyay Djibouti lagalay madaxweynaha Eretria kadib sannaddo badan oo Isaias Afwerki, uu hurinayay hargardaamada Soomaaliya islamarkaana uu soo hubaynayay kooxaha dagaalka ka wada gudaha dalkeenna.

 

Labada socdaal ee Farmaajo iyo Khayre ee Asmara iyo Djibouti, ayaa noqday tusaale lagu kala saari karo labada hoggaamiye midka kala garan kara  saaxiibka iyo nasteexa dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo nacabka gaadaaya ee goor walba ku foogan sidii Soomaaliya ay u guulsarraysan lahayd.

Back to top button