QormooyinkaSomali NewsWarbixin

Qataraha ka dhalankara Qashinka & bacaha ee Baddaha Soomaali lagu soo daadiyo.

Wasaqeynta badaha waa qatar guud oo dunida ay wajaheyso taas oo leh saameyn xoog leh oo deegaanka ah. Bacaha ayaa ka mid ah dhibaatada ugu xooga badan ee saameynta leh taas oo waddamo badani aanay ku baraarugsaneyn.

Qashinka bacaha ee badaha adduunka waxaa lagu qiyaasaa sanadkii inta u dhaxeysa 4-12 malyuun oo tan. Qaaradda afrika oo dalkeena uu leeyahay xeebta labaad ee ugu dheer waa tan labaad ee ugu qashinka badan marka laga hadlayo badaha.
Xeel dheerayaasha deegaanku waxay sheegeen in 10 webi oo ku yaala qaaradaha Afrika iyo Asia ay qashanka bacaha ay qaadaan uu 90% ku darmo badaha taas oo ah dhibaato halis badan .
Qaramada midoobe waxay bishii December ee sandkii 2017 Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay dhibaatada qashinka bacaha uu badaha u leeyahay.
Shirka waxaa muhiimadiisu ay ahayd sidii ganacsatada iyo dowladaha ugu baraarugi la haayeen halista dahsoon ee qashinka badaha.
Dalkeena soomaaliya waxaa aad ugu badan isticmaalka bacaha kaas oo leh saameyn deegaan bad iyo bariba.
Qashinka bacaha soomaaliya waxa uu daadsan yahay meel walba mana jiro hanaan qashinka ay dadku isaga fogeeyaan .
Magaalada Muqdisho oo kaliya waxaa la qiyaasaa in maalinkii qashinka ka yimaada uu gaarayo 2.500 oo tan
Qashinkan oo bacaha ay qeyb weyn ka yihiin waxa uu badankiisa ku danbeeyaa badda.
Meelaha qaar xeebta Muqdisho waxaa qashinka bacaha uu yahay mid Aad u muuqda
Inkastoo hada uu muuqdo dadaal iyo baraarug dhanka qashinka bacaha ah hadana wali ma ahan sidii la rabay.
Waddamo badan oo ku yaala qaarada afrika ayaa leh siyaasad xoogan oo ku Aadan la dagaalanka qashinka bacaha.
Dalalka ka miro dhaliyay waxaa ka mid ah dalka Rwanda
Heyadda IMO ee ka shaqeysa arimaha maamulka badaha aduunka ayaa ku talisay in wadmada horumaray joojiyaan wasaqeynta badaha iyo in la yareeyo bacaha.
WQ: Maxamed Maxamuud Dhoore

Back to top button