Somali News

Maxey ka wada hadleen Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo danjirayaasha Germany iyo Masar?.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar Mudane Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmalka Mudane Sascha Andreas Kienzle.

Safiirrada oo ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa u rajeeyey ka mira-dhalinta shaqooyinka Qaran ee horyaalla, iyagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta labo geesoodka ah.

Safiir ku xigeenka dowladda Jarmalka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladdiisu ay ka taageereyso Soomaaliya iyo sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka, dib u kabashada iyo dowladnimada Soomaaliya oo haatan tallaabo weyn loo qaaday.

Sidoo kale, Danjiraha Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Nasir oo dul istaagay sooyaalka wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan ka gacansiinta Soomaaliya arrimaha waxbarashada oo aasaas u ah horumarka iyo dowlad dhiska.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa uga mahadceliyey Danjireyaasha booqashadooda, waxa uuna la wadaagay dadaalladda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

 

Back to top button