FeaturedSomali News

3-dan arrin oo kaliya, miyay DFS ciidammada badan u geysay Hobyo ? | Akhri Xogtan.

 

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ciiddamo laga daabulay magaalada Muqdisho waxa ay geysay degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

 

Wararka ay warbaahinta wadani.com ka helayso degmadaasi, ayaa sheegaya in sababta ciidammada loo geeyay degmda Hobyo ay tahay saddex arrimood inkasta oo ay jiri karaan ujeeddooyin kale oo dawladda federaalka ahi ka leedahay ciidammadan lagu daadiyay degmada.

  1. Waxaa la sheegayaa in ay jiraan dhibaatooyin magaalada ka aloosan oo ay geysanayaan dad lasheegay in ay ka ganacsadaan daroogooyinka.

  1. Degmada, waxaa hadda ku sugan wafti ka socda dekedaha Djibouti oo lasheegay in ciidammadani ay sugi doonaan ammaankooda.

 

  1. Waxaa lasheegayaa in ay jirto xiisad ka dhex taagan beelaha wada dega degmada oo lasheegay in dawladda federaalku ciidamada u geysay sidii wax looga qaban lahaa.

 

Sikastaba ha ahaatee, ciidammadan lageeyay Hobyo ayaa imaanaaya wakhti uu waddanka ka maqan yahay madaxweynaha Gal-mudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), lamana hubo in qayb uu ka yahay qorshaha ciidammada  lagu geeyay degmadaasi Hobyo iyo in kale.

Back to top button