Somali News

3-dii  caqabadood, ee hortaagnaa shirka Muqdisho, maxaa iska beddelay?

 

 

Tan iyo bilawgii bishan September, waxaa isha lagu hayay shirka looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee lagu waday in uu ka qabsoomo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Shirkan saddex geesoodka ah oo u dheexeeya madaxwayne Farmaajo, Deni iyo Axmad Madoobe, ayaan ilaa hadda wax horumar ah laga gaarin caqabado aanu horey u soo sheegnay oo ku gedaaman furitaanka shirka.

Shuruudaha ay shirka hordhigeen labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbalaand, oo ilaa hadda aan wax isfaham ah oo muuqda laga gaarin, ayaa kala ah.

  1. Arrinta ciidamada DFS ay geysay gobolka Gedo.

  1. Maamullada shirk kamaqan oo laga soo qayb geliyo.

  1. Hoggaanka bulshada rayidka ah, madasha xisbiyada  iyo dhammaan saamilayda siyaasadda oo Deni iyo Madoobe ay soo jeediyeen in la marti qaado.

Wararka, ayaa sheegaya in habeennimadii xalay ee Sabtida ahayd ay  kulan albaabadu u xiranyihiin wada yeesheen madaxwayne Farmaajo iyo Axmad Madoobe. Waxaana lasheegay in Farmaajo ogolaaday shuruudda uu wato Madoobe oo ah in ciidamada laga soo saaro gobolka gedo islamarkaana maamulka gobolkaasi lagu celiyo gacanta Jubbaland.

 

Labada qodob ee kale, ayaa u muuqda kuwo uu Farmaajo ka war-wareegayo, maadaama maamullada maqan laftoodu ay diiddan yihiin in ay qayb ka noqdaan qodobbo laga soo saarayo shir  kale oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka; maadaama ay Puntland iyo Jubbaland iyagu diideen ka qayb galka shirkii Dhuuso-mareed3 isla markaana aanay aqoonsanayn arrimihii lagu heshiiyay.

 

Sikastaba  ahaatee, caqabadaha hortaagan shirkan ayaa u muuqdo kuwa aan hore looga gudbi karin maalmaha dhaw maadaama dhinacya taladu ka dhaxaysaa ay aad ugu kala fogyihiin arrimahan.

Back to top button