FeaturedQormooyinkaSomali News

3 kamida 30 sababood, oo Soomaaliya ay ugu baahantahay hoggaaminta Xasan Cali Khayre.

W/Q: Pro. Yaasir Guleed.

Soomaalida oo aan u dhibirsanayn akhriska, ayaa anigana iga dhigaysa mid qalinkiisu culays dareemayo, maadaama aad caajisaysaan, haddii aan qormadayada sii dheereeyo.

Bulshada caalamku, waxay ubaahnayd abid ilaa haddana ubaahantahay hoggaamiye quman oo qaabeeya qaran, si qayrkii uu ula tallaabsado.Waana arrin sahlan in la aqoonsado hoggaamiye liita oo taladu ay ka qasantahay.Laakiin sidee loo aqoonsadaa midka mudan in uu hago himilada umad horumar doonaysa.

Kuwa fahmay ee ka jawaabay su’aashaas, waa hubaal in ay yihiin hormuudka adduunyadan hayaanka ku jirta.

Culimada cilmi-nafsiga iyo kuwa falsafaddu, way kula duwan yihiin astaamaha hoggaamiye dhammaysa, hase ahaatee waxaa jira dhawr qodob oo dhinacyadu ay isla qaateen in ay muhiim tahay in uu yeesho qof la rabo in uu qabto hoggaanka qaran qorshe loodajiyo in qiimo looyeelo qaybaha kala duwan ee bulshadiisa.

Aan u daadego dulucda qoraalkayga,oo aan maanta ku bilaabayo 3 kamida 30 hibo-hoggaamineed oo uu leeyahay ra’iisal wasaarihii dhawaan iscasilay ee Soomaaliya.

1. Codkar: Aftahamadu,waxay ka midtahay astaamaha ugu muhiimsan ee hoggaamiye yeesho.
Waa hadal badalla hab-fikirka bulsho.

Isaga oo marar badan kusoo celcelinaya si maskaxda shacabka ay u degto, hoggaamiyaha dhabta ahi,
waxa uu dhawaaq soo jiidasho leh ku sharraxaa ; hiigsiga, himilooyinka iyo halka uu rabo in uu bulshada u hago.
Taasna, waan hubaa in aad igu raacsantihiin in ay tahay astaan, muuqata oo uu leeyahay Khayre.

2. Go’aanqaadasho dhiirran: waa hoggaamiye ku dhiirraday dhaqan-gelinta arrimo ku adkaaday ragga badan oo ka horreeyay. Khayre, waa ninkii ka badheedhay kiiska badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganayso; diidayna in wax debacsanaan ah laga muujiyo murankan horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee Hague.

Tusaale ka dhaw, Khayre waxa uu ku dhiirraday in go’aan muuqda uu ka qaato marxaladda waddanku ku jiro gaar ahaan arrimaha doorashada , oo madaxwayne Farmaajo ka baqay in mawqif uu ka qaato.
Iyada oo aanay isla ogayn madaxwaynaha ay taladu ka baahsantahay ee isaga magcaabay, ayuu golahii wasiirrada amray in doorasho loo diyaar garoobo.

3. Saamayn: hoggaamintu, waa saamaynta (Leadership is the influence). Mr. Khayre, wuxuu noqonayaa ra’iisal wasaarihii ugu saamaynta badnaa ee soo mara Soomaaliya.

Waxaa la odhan karaa, xataa waxa uu ka saamayn badnaa madaxwaynayaal uu kamidyahay Mr. Farmaajo oo maanta ay talo kabaahsantahay.

Lasoco qaybaha dambe.
Pro. Yasir Guled Hasan.
Back to top button