FeaturedSomali News

3 qof, oo lagu dilay Gaalkacyo iyo ciddii dilkooda kadambaysay | Akhri xogtan.

 

Sarkaal katirsan ciimmada daraawiishta Puntland, ayaa magaalada Gaalkacyo ku dilay saddex qof oo shacab ah, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur Yare.

Gacan ku dhiiglaha, ayaa lasheegay in goobta uu ka baxsaday, kadib markii uu dilka geystay.

 

Yaasiin Maxamed Maxamuud, oo ah askari ay darajadiisa ciidan tahay kormeere saddexaad, ayaa marka hore lasheegay in uu  dilay nin ganacsade ah, kadibna rasaas uu furay isagoo booliska ka cararay ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo shacab ah  halka  qof kalena uu ku dhaawacmay.

 


Lama sheegin sababta uu askarigu markii hore u dilay ganacsadaha.

Labadan qof ee dhintay iyo qofka dhaawaca ah ayay rasaastu ugu tagtay iyagoo saaran mid kamida gaadiidka dadweynaha.


Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ciidamadu ku daba joogaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa askariga dilalka geystay.

Back to top button