3-sababood, oo Madoobe Sheegay in isaga iyo Deni ay shirkii Dhuusa-mareeb3 utagi waayeen.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmad Maxamed Islaam ( Madoobe), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay sababaha keenay in isaga iyo Siciid Cabdillaahi Deni ay ka qayb geliwaayaan shirkii Dhuuso-mareeb 3, ee looga hadlaayay arrimaha doorashooyinka dalka.
Madoobe, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay su’aalo badan iska waydiinayaan sababta ay shirkaas u tegiwaayeen; haddana ay Muqdisho ugu yimaaddeen shirkale oo looga hadlaayo isla doorashooyinka uun.
Waxa uu sheegay in qodobbo muhiim ah oo laysla qaatay shirkii Dhuusa-mareeb 2, ay burburisay dawladda federaalka ahi. Waxana uu sheegay in saddexdan qodob ay sabab u ahaayeen in shirka ay ka qayb geliwaayaan.
- Ra’iisal wasaarihii masuulka ka noqon lahaa wada-hadalka,oo meesha ka baxay.
- Tabashooyinkii jiray oo aan layska qancinwaayay.
- Shirkii,oo la xiray isla xilligii aannu go’aan sannay in aniga iyo Deni aanu ka qayb galno.
Axmad Madoobe, ayaa sheegay in arrimahaasi ay sabab u yihiih in shirkii Dhuuso-mareeb ay ka qayb geli waayaan.