Somali News

32 qof oo ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay Masar

Wakaaladda tareenka ee dalka Masar ayaa sheegtay in ugu yaraan 32 qof iney ku dhinteen in ka badan 100 qofna ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay bartamaha dalka Masar.

Laba tareen oo rakaab siday oo marayey gobolka Sohag ayaa isku dhacay kaddibna rogmaday.

Wakaaladdu waxay sheegtay bareegga tareenka xagga hore kaga xirnaa ‘shaqsi aan la garaneyn’ inuu furay taasoo keentay tareenka hore inuu kii ka dambeeyey uu ku dhaco.

Madaxweynaha Masar Cabdulfataax al-Sisi wuxuu ballan qaaday ciddi mas’ulka ka ahayd arrintaasi in ciqaab adag la marsiin doono.

Back to top button