Somali News

34qof Soomaali ah oo lagu dilay Koofur Afrika

34 Soomaali Ah Ayaa Sanadkii Tagay Ee 2020 Lagu Dilay K/Afrika, kuwaas oo siyaabo kala duwan u sababsaday Burcadda Koofur Afrikaanta ah.

Tirakoob Ay Sameyeen Hogaanka Jaaliyadda Iyo Suxufiyiinta Ayaa Muujineeysa In dilalka ugu badnaa ee Soomaalida loo geeystay Sanadkii lasoo Dhaafay ee 2020 ay ka dhaceen Deegaanada isku raranka ah ee Hoos taga magalada cape town Halkaasi oo ganacsiyo xoogan ay soomaalidu ku leeyihiin falal dambiyeedyadne ay ku badanyihiin

Hogaanka Jaaliyadda ayaa shaaciyay in dhawaan ay so bandhigi doonaan Tirakoobka dhacdooyinka Sanadkii tagay iyo soomaalida South Africa

waxaa la sugayaa warbixinta Jaaliyadda Iyo Suxufiyiinta ee ku Saabsan Tirakoobka ay sameyeen Iyadoo la filayo in warbixintan lasoo bandhigo todobaadka Soo socdo.

Back to top button