FeaturedSomali News

4- arrin oo muujinaya in aan la rabin Ra’iisal wasaare la magcaabo wakhtigan.

 

Qodobka 99aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah, tuducyadiisa a, b, c, d, e, f, g, h, iyo i  waxa ay qeexayaan shaqada golaha wasiirrada, shaqooyinkaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta hindise-sharciyeedyada iyo qorshayaasha guud ee horumarinta qaranka; ha se yeesho e,  Qodobka 97aad, tuduca 4aad, waxa uu sheegayaa in golaha wasiirradu ay dhacayaan marka uu Ra’iisul Wasaaruhu xilka banneeyo, qodobku waxa uu u qoran yahay sidaan:

“Xil banneeynta jagada Ra’iisul-Wasaaraha oo sababaysa dhicitaanka Golaha Wasiiradda, waxay ku imaan kartaa istiqaalad, xil ka qaadid, xil gudasho la’aan iyo geeri.”

Qodabkaas gebi ahaanba, waxaa  jabiyay golaha wasiirrada bilaa xasaanadda ah ee xilligan sii’haya xillalka, iyaga oo meel mariyay 4 arrin oo aanay awood sharci u lahayn .

Hawlaha masiiriga ah ee golahan sharci darrada ku fadhiya kuraas, ay fuliyeen muddii uu xilka kasii maqnaa Ra’iisal wasaarihii xukuumadda Xasan Cali Khayre, waxa ay kala yihiin.

  1. Magacaabista guddiga garsoorka

  1. Hay’adda batroolka

  1. Guddiga farsamada doorashada ee looga dhawaaqay shirkii Dhuusamareeb.

  1. Iyo Guddiga La dagaallanka Musuq-maasuqa oo la magcaabay isniintii shalay ahayd 7/9/2020.

 

Dhanka  kale, Qodobka 101aad, ayaa qeexayaa “Ku-Xigeenka Ra’iisul-wasaaraha wuxuu qabtaa xilka Ra’iisul-wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo Xilalka kale uu u igmado Ra’iisul-wasaaruhu.”

Majirto meel ay dastuurka qodob qeexayo jiritaanka xukuumad xil sii haye ah haddii Ra’iisul Wasaaruhu xilka banneeyo, waxaa se si cad  Qodobka 97 (4) u qeexayaa in sidaas xukuumaddii ku dhacday.

 

Haddaba, muxuu yahay  rabitaanka loo qabo ra’iisal wasaare wakhtigan la magcaabo maadaama ay shaqooyinkii uu qaban lahaa oo dhan ay si deg deg ah uga faa’iidaysteen golahan sharci darrada ku sii fadhiya.

Back to top button