FeaturedSomali News

4-dalka oo Afrikaan ah oo shiinuhu doonayo in Saldhigyo Millateri uu ka samaysto

Dawladda Shiinaha,ayaa lasheegay in ay qorshaynayso  saldhigyo milatari oo ka sameysato afar dal oo  ku yaalla Qaaraddan Africa.

 

Sida laga soo xigtay waaxda Difaaca ee dalka  Mareykanka, shiinaha ayaa aad u doonaya in waddamada Kenya, Seychelles, Tanzania iyo Angola uu ka samaysto saldhigyo Millateri .

Afartan dal ayaan dhinacoodu weli ka hadlin arrintaas.

Warbixinta oo ay waaxdu soo saartay toddobaadkii hore ayaa aad la iskula dhex marayay.

“Marka laga soo tago saldhigga uu hadda ku leeyahay Jabuuti, Shiinaha wuxuu aad ugu muuqdaa mid ka fekeraya inuu xarumo kale oo milatari sameysto si ay u taageeraan ciidamada cirka, badda iyo dhulka,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Shiinaha uu ka fekeray inuu saldhigyo milatari ka sameysto dalalka Myanmar, Thailand, Singapore, Indonesia, Pakistan, Sri Lanka, Imaaraatka Carabta, Kenya,Tajikistan.

 

Arrimahan, ayaa caddeeyn in Shiinu uu doonayo in uu aad u xoojiyo cududdiisa Millateri isla markaan uu daafaha caalamka ka samaysto saldhigyo Millateri.

Back to top button