FeaturedSomali News

4 qof, oo ku geeriyooday degmada Tog-wajaale halka toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Saddex qof oo shacab ah, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen  magaalada magaalada ganacsiga ee Tog-wajaale halka  toban qofna lasoo sheegayo in ay dhaawacmeen kadib markii uu kusoo dumay guri markaas laga dhisayay meelkamida magaalada.

Dadka geeriyooday, ayaa lasheegay in ahaayeen shaqaalihi dhismaha guriga oo markaas socday.

Mulkiilihii iska lahaa guriga ladhisayo, ayaa lasheegay in uu ku jiro dadka ku geeriyooday dhismaha guriga.

 

Shan kamida dadka dhaawacmay, ayaa loola cararay cisbital kuyaalla magaalada Tog-wajaale halka shanta kalena la dhigay cisbitaalka degmadaasi Wajaale.

 

Maamulka gobolka Gabilay, ka degmada Wajaale iyo taliska ciidaanka booliiska ee Gobolkaasi, ayaa gaaray goobta, waxaana ay xaqiijiyeen geerida afarta qof iyo dhaawaca tobanka qof ee kale oo ay sheegeen in loo fidiyay gargaar caafimaad oo deg deg ah.

 

Back to top button