Somali News

4- su’aalood oo layska waydiinayo heshiishka maanta la dhex-dhigay labada aqal-baarlamaan iyo Villa Somalia.

 

Labada aqal  ee baarlamanka  Soomaaliya  iyo dawladda federaalka ah  oo muddooyinkii u dambeeyayba uu xumaa xiriirkoodu, ayaa lasheegay in ay heshiisiiyeen madaxweynayaasha maamul goboleddada ee ku sugan Muqdisho.

 

Xiriirka aqalka sare ee baarlamanka iyo Villa Soomaaliya, ayaa meel xun gaaray kadib markii laysku maandhaafay arrimaha doorashooyin iyo shuruuc layku khilaafay.

 

Madaxweyne Farmaajo, ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in uu hoos u dhigay maqaamka aqalka sare ee baarlamanka isaga oo danihiis dhex marsan shiray golaha shacabka ee uu guddoomiyo Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo lasheego in uu kamid yahay shakhsiyaadka daacadda u ah madaxweyne Farmaajo.

 

Shirka lagu heshiinayay saddexda dhinac, waxaa ka maqnaa  rag ay kamidyihiin kusimaha raysal wasaaraha Mahdi Guuleed guddoomiye kuxigeen koobaad ee  golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

 

Hadaba, waxaa jira dhowr su’aalood oo layska waydiinayo  heshiiskan iyo qaabka uu u dhacay.

  1. Maxaa xilligan ka hor loo dhammayn waayay khilaafkan oo raagaadiyay shaqada hay’adaha dawladda ee xariirkoodu xumaaday?

  1. Madaxweyne Farmaajo iyo labada guddoomiye ee baarlamanka, ma waxaa ka dal jacayl badan madaxda maamullada ee muranka dhammeeyay mudda kooban ee ay joogaan Muqdisho?

  1. Xagay ku maqan yihiin Sii’hayihii xilka raysal wasaaraha Mahdi Guuled iyo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka oo haya masuliyaddo muhiim ah ?

  1. Labada nin ee maqan ma waxaa loo arkaa maqaarsaar aan loo baahnayn mise waxaa jirta caro ay ku maqan yihiin labadoodu  ama mid kamida ahi ?

 

 

Back to top button