FeaturedSomali News

4 xaqiiqo, oo muujinaya ciddii maamuli jirtay Soomaaliya 3-dii sanee lasoo dhaafay?

Madaxwayne Farmaajo, ayaa bilawgii bishii Febraayo ee sannadkii 2017 loo doortay madaxwaynaha Soomaaliya, wakhtigaas oo waddanku u baahnaa hore socod maamul iyo siyaasadeedba.

Madaxweynaha, ayaa Ra’iisal wasaare  u magcaabay mudane Xasan Cali Khayre, maalin ka dib markii uu dhacay caleemasaarkiisu.

Madaxwayne Farmaajo, ayaa xaqiijiyay in uu magcaabay Ra’iisal wasaare isaga ka fiican, oo ka hawl karsan.

Tan iyo maalintaas, dalka Soomaaliya ayaa laga dareemayay isbeddel baaxad leh oo laga sameeyay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda arrimaha dibadda, dib-uhabaynta ciidamada, dib-udhiska dalka iyo ladagaalanka musuq’maasuqa iyo maamul xumada.

Hadda bada su’aashu waxay tahay, kumuu ahaa masuulkii waday horemarkaa intaas leeg ee muddada kooban dalka lagu sameeyay?

Intii lawada joogay lamakala saari karayn,  Farmaajo iyo Khayre midka dhab ahaan hoggaaminayay dalka. Laakiin muddo bil ah oo Khayre ka maqnaa xafiiska sidee ayay xaaladi noqotay.

1. Waxaa faraha ka baxay ammaankii horumarka laga sameeyay.
2.  Musuq maasuqa iyo boobka hantida dadwaynaha, ayaa heerkii ugu sarreeyay gaadhay.
3.  Waxaa meesha ka baxay maamulkii iyo kala dambayntii iyada oo wasiirrada bilaa xasaanadda ahi aanay waxtigelin ah siinin Farmaajo iyo Mahdi Guuleed.
4. Go’aan qaadasho la’aanta Farmaajo, oo ilaa hadda ku dhiirrin kari waayay in uu magcaabo Ra’iisal wasaare soo dhisa xukuumaddii waddanka maamuli lahayd.

Afartaas arrimood iyo inkaloo badan, ayaa muujinaysaa in waddanka uu maamulayay masuulkii xilka iska casilay ee Xasan Cali Khayre  Farmaajona uu  astaan Qaran oo aan waxba qaban.

 

 

Back to top button