FeaturedSomali News

4- Xaqiiqo, oo Xasan Cali Khayre uu ka aamminsanyahay dhallinyarada.

 

 

Dhallinyarada oo ah halbeegga lagu qiyaaso isbeddelka mustaqbalka ee waddankastaa samaynkaro, ayaa adduunka horumaray laga  siiyaa ahmiyada gaara. Waxaana looga faa’iidaystaa awoodaha dhallinyarta, hadba  inta uu gaadhsiisanyahay fahamka hoggaamiyaha waddankaas haysta.

 

 

Wakhtiyadii hore, maamulka iyo shaqooyinka sar sare ee waddanka Soomaaliya, waxaa gabi ahaanba haystay dad ay da’doodu aad u wayntahay oo maskax ahaan iyo muruq ahaanba dallaan, isla markaana qayb ka noqday dib-udhaca siyaasadeed , dhaqaale, maalmul iyo midka amni ee dalka.

 

Tan iyo markii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu xilkaas qabtay, waxaa la arkayay kaalinta ay dhallinyaradu ku leedahay hoggaanka  dalka oo kor u soo kacay, iyada oo da’yartu qabatay xillal aad u waawayn oo xilliyadii hore aanay haweysan jirin.

Dedaal dheer iyo dib-uhabayn maamul oo Khayre sameeyay kadib, dhaaliyaradu ayaa qabtay hoggaanka sare ee ciidammada xoogga dalka, kuwa nabad sugidda islamarkaana  kaalmo muhiim ah ku yeeshay golaha wasiirrada ee uu magcaabay Xasan Cali Khayre.

Ra’iisal wasaare Khayre, ayaa dhisay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Harimcad oo awooddooda laga dareemo guud ahaan dalka.

 

Khudbad uu maalin ka jeediyay madal boqollaal dhallinyaro ahi joogto, Ra’iisal wasaare Khayre waxa uu dhallinyarada ku sifeeyay afartan astaamood.

 

“ Dhallinyarow, dalkan aan hadda joogno, xoogga uu haysto waa idinka. Maskaxda uu haysto, waa idinka. Dhaqaalaha uu haysto waa idinka. Waxa uu ku faanaayo ee uu cid kula tartamaayo, waa idinka’’, ayuu yidhi Xasan Cali Khayre oo jeediyay khudbad xamaasad gelisay boqollaal dhallinyaro ah oo aan horay u arag hoggaamiye sidan ula hadla.

 

Afarta astaamood ee Khayre uu aaminsanyahay in dhalliyarada Soomaaliyeed ay ku sifoobaan, waa sidan.

 

 

  1. Xoogga dhabta ah, ee dhisi kara dalka iyo dadkiisba.

 

  1. Maskaxda sida firfircoon u fekeri karta, isla markaana fahmi karta qorshe kasta oo uu horumarka ku qaari karo dal raba in uu la talaabsado caalamkan casriga ah ee cilmiga lagu hago.

  1. Dhaqaala uu dalku haysto: in dhallinyaradu tahay wershedda soo saari karta dhaqaalaha dalku u baahanyahay, maamulinkarta oo musuqa ka ilaalinkarta inta la haysto, ayuu aaminsanyahay Khayre.

 

  1. Cidda lagu faano oo dalalka kale ee dunida lagula tartamo in ay yihiin dhallinyaradu, ayaa khayre aaminsanyahay.

Ugu dambayntii, waxaa laysku raacsanyahay in dalka Soomaaliya baahi wayn u qabo ka faa’iidaysiga dhallinyarada iyo awood maskax ahaan iyo muruq ahaanba ay leeyihiin. Sidaas darteed, waxaa loo baahanyahay in waddanka uu hoggaamiyo Xasan Cali Khayre oo fahamsan awoodda dhallinyarada.

 

Back to top button