FeaturedSomali News

40 qof, oo loo soo qabtay dilkii culimada ee degmada Raage-ceelle. | Akhri Xogtaan.

Ciidammada ammaanka ee maamul goboleedka Hir-shabeelle iyo kuwa dowladda Faderaalka ah ee ku sugan Gobolka Shabeellada dhexe, ayaa w howl-gal ballaaran ka sameynayaan deegaanno ku dhow degmada Raaga-Ceelle, waxayna ku baadi goobayaan dadkii ka dembeeyay culimo dhowaan lagu dilay deegaan hoostaga degmadaas.

 

Madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe, , ayaa lasheegay in uu amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo dablaydii hubaysnayd eek a dambaysa dilka culimo ku jirtay dugsi Qur’aan ku yaalla degmeda Raage Ceelle.

Sida ay baahisay Idaacadda KNN ee Muqdisho, ku dhowaad 40 ruux oo tuhmanayaal ah ayaa gacanta lagusoo dhigay, kuwaas oo lagu sameynayo baaritaanno,  si loo helo ciddii ka dembeysay falkii lagu dilay Culimada.

Hirshabeelle ayaa horay u sheegtay iney sameynayaan baaritaan,  si gacanta loogu soo dhiga,  ciddii geystay  dil-wadareedka lagu fuliyay wadaada.

Back to top button