Somali News

8 Maalmood oo uu Imaaraadka joogay kaddib, Deni oo Ku laabtay Nairobi

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullahi  Deni ayaa  gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta Waddanka Kenya.

Wuxuu kasoo gurya-noqday Imaaraatka Carabta oo uu joogay in ka badan 8 maalmood.

Imaaraatka, ayuu Madaxweyne Deni u noqonayaa siyaasiga wakiilka uga noqonayo doorashooyinka, gaar ahaana mashruuca Xildhibaan soo saarida.

Deni oo ay wehliyaan siyaasiinta ay iska soo horjeedaan Madaxda DFS ayaa soo gaaray xalay Kenya, maalmaha soo socda waxay yeelan doonan kulamo lagu kala qaadanayo waajibaadka shaqo ee ay fulinayaan.

Nairobi waxaa fadhiya mucaaridka Dowladda Federaalka ah kuwaas oo Ku howlan sidii kursiga looga wareejin lahaa Farmaajo.

Back to top button