9 maalqabeen, oo Kenya ay ku eedaysay in ay Al-shabaab maalgeliyaan.
9 maalqabeen, oo Kenya ay ku eedaysay in ay Al-shabaab maalgeliyaan.


Matiang’i ayaa wuxuu sidoo kale amray in la xayiro hantida shakhsiyaadkaas, sidoo kalana la fariisiyo xisaabahooda bangiyada.
“Waxaan amrayaa in la xayiro lacagahooda bangiyada iyo dhaqdhaqaaqa hantidoodaba dadkaan gaaraya sagaalka ruux” ayuu wasiirka ammaanka Kenya u sheegay Warbaahinta.
“Sagaalkaan qof ayaa waxay kala yihiin Halima Ali, Waleed Zain, Sheikh Boru, Mohammed Ali, Nuseiba Haji l, Abdimajit Hassan, Mohammed Ali Abdi, Mukhtar Ali iyo Mire Elmi” ayuu wasiir Matiang’i ku sheegay dadka uu ku eedeeyay maal-gelinta Al-shabaab ee Kenya, isagoo sidoo kale soo bandhigay sharciyadooda
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya ayaa waxa uu sidoo kale qeexay in Al-shabaab ay halis ku yihiin nolosha Kenyaanka.
Xarakada Al-shabaab, ayaa hore dhowr weerar ka geystay gudaha waddankaasi Kenya.