FeaturedSomali News

Aargoosi siyaadeed iyo isdhex-yaac maamul oo hareeyay Villa Somalia.

 

Maamul xumo baahsan iyo kalsooni darro siyaasadeed, ayaa si weyn looga dareemayaa xarunta looga arrimiyo Soomaaliya ee Villa Somalia gaar ahaan xafiiska ra’iisal wasaaraha tan iyo intii uu meesha ka baxay Xasan Cali Kheyre oo kursigiisii uu bannaan yahay muddo kabadan 45 maalmood.

 

Saacado kooban kadib xilka qaadistii xukuumadda, ayaa madaxweyne Farmaajo waxa uu sii’hayaha xilka ra’iisul wasaaraha u magcaabay Mahdi Guuleed oo ah nin aan ku fiicnayn maamulka iyo maareynta hase ahaate lagu fushanka karo danaha ay leeyihiin Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Magcaabista Mahdi Guuleed, waxay ahayd mid aan meelna kasoo gelin sharciga  iyo Dastuurka ku meelgaarka ah ee dalka.

 

Iyada oo taasi jirto, ayaa haddana xafiiskii Ra’iisal Wasaaraha oo ah goobta ay ka socdaan hawla ugu waaweyn ee waddanku, waxa uu isu bedelay meel fawdo iyo isdhex-yaac maamul ay hareeyasay. Waxaana sabab u ah kalsooni darrada maamul iyo siyaasadeed ee Mahdi Guuleed.

 

Mahadi Guuleed, ayaa saacada kooban kadib markii loo magcaabay Sii’haya xilka Ra’iisal wasaaraha, waxa uu xilka qaadis ku sameeyay xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska Raysal wasaaraha  C/risaaq Xuseen Aadan ( Caato), kadib markii lagu helay ku takrifal awoodeed, maadaama ay madexweyne Farmaajo hayb ahaan isu xigaan. Xilkaas waxaa loo magcaabay C/raxmaan Sheekh Mucaawiye, hase ahaatee 40-maalmood kadib ayaa xilkii dib loogu soo celiyay cabdiRisaaq Caato.

Geesta kale, madaxweyne Farmaajo ayaa lasheegayaa in uu bilaabay  aargoosi siyaasadeed iyo shaki uu ka qaaday cidkasta oo ka hoos shaqayn jirtay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ilaa maalintaas, waxaa lagu soo warramayaa in ay iscasileen masuuliyiin xillal muhiim ah ka hayay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, kadib shaqo xumada, eexda , qaaraabo kiil iyo ku tagri falka awoodeed ee  xafiiska ay ka wadaan dhallinyaro aan meelna kasoo gelin maamulka dawladda, hase ahaatee ay hayb ahaan is xigaan madaxweyne Farmaajo iyo Mahdi Guuleed.

 

Back to top button