Somali News

AAW: “Xasan Cali kheyre wuxuu Cudurdaar ka bixiyay weerarkii Xisbiga Wadajir”

AAW: "Xasan Cali kheyre wuxuu Cudurdaar ka bixiyay weerarkii Xisbiga Wadajir"

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/Raxmaan Cl/Shakuur Warsame ayaa waxaa uu sheegay in Ra’islawasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu cudurdaar ka bixiyay weerar sanadkii sanadkii 2017kii lagu qaaday Guriga C/raxmaan.

Ra’isalwasaarihii hore Soomaaliya  ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay Hoggaamiyayaasha Mucaaridka ah ee ku sugan Muqdisho.

Qoraal uu C/raxmaan ku qoray facebookgiisa ayuu ku yiri.

“Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre.

Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017.

Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dowladda ee weerarka ku lug lahaa in ay fursaddan oo kale weli u furan tahay.”

Back to top button