Somali News

Abaabulka mooshin ka dhan ah qoorqoor oo ka socda Muqdisho iyo Dhuusamareeb

Magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb waxaa ka billowday mooshin xilka looga qaadayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Mooshinka ayaa waxaa ka shaqeynaya Xildhibaanno mucaarid ah ah oo ka tirsan federaalka iyo Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Qoorqoor ayaa tan iyo socdaalkiisii Turkiga ku sugan Muqdisho waxaana uu Madaxtooyadii Galmudug ka dhigay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayuu maalmahan kula kulmayay madaxdii hore, Safiirrada Beesha Caalamka iyo shaqsiyaad kale.

Dadka wada mooshinka ka ka dhanka ah Qoorqoor ayaa sheegaya in uu gabay howlihii Galmudug islamarkaana ku  dhex milmay Siyaasadda Dowladda Soomaaliya.

Eedaha ugu badan ee loo heysto waxaa ka mid ah magacaabista Guddiga doorashada ee Federaalka isaga oo lagu tuhmay in uu xubno Nabad Sugid ah ku yeeshay Muqdisho.

 

Back to top button