Somali News

Abiye Axmed: “heshiiska Soomaalida iyo Oromada wuxuu barwaaqo u horseedayaa Itoobiya oo dhan”

 

Raysul Wasaaraha Waddanka Itoobiya Abiy Axmad ayaa bogaadiyay qorshayaasha ay sida wadajirka ah ugu heshiiyeen Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada iyagoo iska kaashanaya dadaalada nabada iyo horumarka.

Labada Madax-wayne ee Mustafe Muxumad Cumar iyo Shamalis Addisa ayaa saxiixay heshiiskan iskaashi oo 5 sano ah.

Daacadnimada ku dayashada mudan ee labada Hogaamiye ee Soomaalida iyo Oromada ayaa ah hawl tusaale mudan ayuu Rasal Wasaare Abiye ku shaaciyay bartiisa.

” Waxaan hanan doonaa Barwaaqo dhamaan dalka oo dhan nabad iyo horumarba xanbaarsan” ayuu sii raaciyay.

Raysal Wasaaraha ayaa cadeeyay in hirgalinta nabada iyo heshiisyada horumarineed ee wadajirka ah ee gudaha Xukuumadaha dawlad deegaanada dalka ee dhinaca xuduudaha ay muhimad u leedahay taasi oo dalka u horseedaysa horumar waara.

dhinaca heshiiska labada deegaan ayaa wuxuu kaalin ka qaadanayaa adkaynta iyo balaarinta hawlaha horumarka ee 12 Gobol iyo 48 degmo oo ay ku baxayso 222.7 milyan oo birr.

Back to top button