Somali News

Abiye Axmed oo amray Ciidankiisa in ay weeraraan Gobolka Tigray

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa amar ku bixiyay in Ciidanka difaaca dalkaas ay xoog ku muquuniyaan Gobolka Tigray ee diiddan Nidaamka Abiye Axmed.

Kumanaan ka mid Milatariga Itoobiya ayaa la geeyay koofurta Gobolka Tigray waxaana ay u diyaar garoobayaan duullaan ka dhan ah Gobolka Tigray.

Warbaahinta Dalka Eritrea ayaa sheegtay in Ciidanka Tigray qaarkood ay ka gudbeen sohdinta isuna dhiibeen dowladda Eritrea.

Ciidamada Eritrea ayaa sidoo kale la geeyay sohdinta dalka Itoobiya.

Maamulka Tigray ayaa qabsaday doorasho aysan raali ka ahayn dowladda waxaana ay ku dhawaaween in ay dagaal la gelayaan dowladda Federaalka haddii ay weerarto.

Back to top button