Somali News

Adis Ababa oo la duqeeyay Xalay

Hoggaamiyayaasha Kooxda TPLF ee ka dagaallamaya Gobolka Tigrey ayaa beegsaday Magaalada Adis ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Goobaha xalay la duqeeyay waxaa ka mid ah Garoonka diyaaradaha ee Bole International iyo meelo kale oo muhiim ah.

Kooxda TPLF ayaa habeen hore duqeysay Garoonka diyaaradaha Magaalada Asmara ee Eritrea iyo Wasaaradda warfaafinta dalkaas.

Hoggaamiyayaasha Gobokka Tigrey ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay beegsan doonaan Magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida oo taageero u muujiyay howlgalka Abiye Axmed.

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Cumar ayaa sheegay in ay taleefanka uga hanjabeen hogggaamiyayaasha TPLF.

Back to top button