Somali News

Afgooye: banaanbax lagu diiddanyahay go’aan ka soo baxay maamulka oo dhacay.

Degmada Afgooye ee Gobolka shabeellaha hoose waxaa ka dhacay banaanbax lagu diiddanyahay go’aan ka soo baxay maamulkaasi.

Maamulka Degmada Afgooye go’aamiyay in laga guuro xaafadda Imbagaati ee degmadaasi.

Mas’uuliyiinta maamulka Afgooye ayaa waxaa ay go’aamiyeen in laga guuro xaafaddaas si loo burburiyo.

Dadka deggan xaafaddan ayaa arrintaas ka horyimid iyaga oo Ku doodaya in dhulkaas laga iibiyay.

Deegaameynta xaafadda imbagaati ayaa billaabatay sanadkii 2004tii markaas oo loogu magacdaray shirkii Imbagaati ee lagu dhisay Dowladdii C/llahi Yuusuf Axmed.

Dadkan ayaa iibsaday dhulkan, waxaana uu ka billowdaa Isgoyska Baar Ismaaciil isaga oo gaaraya Boosteejada Gaadiidka Muqdisho ee degmada Afgooye.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanaya in maamulka uu ka laabto go’aankaas.

Back to top button