Somali News

Afmadow oo yeelatay Guddoomiye cusub

Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Maxamed Amiin) ayaa noqday gudoomiyaha degmada Afmadow, kaddib markii doorashada ay u gudubtay wareega labaad ayna u tanaasuleen musharixiinta la tarmaysay ee kala ahaa Yuusuf Xasan Xuseen iyo Maxamed Cabdullaahi Xaashi.

Natiijada waxaa ku dhawaaqay Xamse Cabdi Barre gudoomiyaha gudiga madaxa banana ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland.

Wareegii koobaad waxay kala heleen sidan,

Maxamed Amiin 13
Maxamed Cabdullaahi Xaashi 6
Yuusuf Xasan Xuseen 2.

Madaxweyanaha Jubaland ayaa horay u sheegay in dhamaan degaannada Jubaland la gaarsiinayo dhismaha degmooyinka Jubaland.

Back to top button