Somali News

Africom oo ka digtay go’aanka Trump

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ka digay qorshe uu wado Madaxweyne Trump oo ah in Ciidanka Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Col. Chris Karns ayaa u sheegay Washington Examiner in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay horumar sameynayaan, laakiin dhinaca kale halista ay Al-Shabaab ay soo bandhigeyso ay u baahan tahay kaalmo caalami ah.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la imaanayso qatar mustaqbalka ku wajahan Mareykanka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Pentagon-ka ay bilaabeen diyaarinta qorshooyinka madaxweynaha ee ka bixitaanka Soomaaliya, iyadoo la eegayo waqtiga suuragalka ah.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga 650 ilaa 800 oo askari. Dhammaantood ama inta badan askartaas waxaa diray maamulka Trump.

Kuma cadda warbixinta haddii Trump uu raadinayo ka bixitaan dhameystiran ama kaliya in la yareeyo ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaguna ka horyimid qorshaha Trump.

 

Back to top button