Somali News

Afrika, oo rajaynaysa 220 milyan oo tallaalka COVID-19 ah

 

 

Hay`adda caafimaadka adduunka ee (WHO).  ayaa ballan qaaday  in marka uu diyaar noqdo tallaalka Covid-19, ay  dalalka qaaradda Afrika heli doonaan ugu yaraan 220 milyan oo ah  qeybta hore ee tallaalka.

Afrika, oo meelo badan oo kamid ah uu xanuunku ku habsaday, ayaa baahi wayn u qabta heli taanka tallaalka Covid-19 oo wali aan dunida soo qaadhin.

Madaxa barnaamijyada WHO ee Afrika Richard Mihigo, ayaa sheegay in mudnaanta la siin doono shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira iyo dadka aadka u nugul.

Masuulkan, ayaa tilmaamay in qaybinta lagaadhsiin doono bulsho kasta oo ku nool qaaradda.

 

Mr Mihigo ayaa intaas ku daray in dhammaan 54-ta dal ee Afrika ay baahiwayn u qabaan tallaalka Covid-19.

Dadwaynaha ku noolka Qaraadda Afrika, ayaa lagu qiyaasaa ilaa 1.3 bilyan oo qof.

.

Barnaamijka tallaalka adduunka oo lagu magacaabo COVAX, ayaa la qorsheeyay in lagu soo iibiyo 2 bilyan oo xirmo oo tallaalka marka lagaaro sannadka  2021.

Sagaal qof oo dunida ku kala nool ayaa lagu tijaabiyay tallaalka.

Labo ka mid ah dadkaas, ayaa haatan tallaalka loogu tijaabinayaa Afrika

 

Back to top button