Somali News

Agaasime Koofi oo isku day dil ka badbaaday

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa ka badbaaday weerar la doonayay in lagu dilo.

Kolonyo uu la socday Agaasimaha oo marayay Waddada Isgoyska Nambar Afar ayaa lala beegsaday qarax.

Mid ka mid ahaa ilaalada Agaasimaha iyo Qf ray ah ayaa la xaqiijiyay in ay Ku dhinteen weerarkaas.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo ka dhashay iyo burbur hantiyadeed oo gaaray goobo Ganacsi oo Ku yaalla Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa todobaadyadan ahaa mid hagaagsan.

Qaraxan ayaa waxaa uu noqonayaa kii 1aad ee ka dhaca KM4 tan iyo markii dib loo furay waddooyinka gudaha Magaalada todobaadkii hore.

Back to top button