Somali News

Agaasimihii Mac-hadka diblomaasiyadda oo geeriyooday

Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Agaasimihii Mac-hadka diblomaasiyadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Baraha bulshada ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa la soo dhigay qoraal loogu tacsiyeynayay agaasimaha oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Calasow.

“Geeri xanuun badan oo la soo deristay bahda Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa alle oofsaday Agaasime Yusuf Calasow oo ahaa tiir adag oo muddo usoo shaqaynayay Qaranka Soomaaliyeed mudooyinkoo danbana ahaa agaasimaha Machadka diblumaasiyadda

Illahay SWT waxaa uga baryayaa raxmad deeqda oo waasaca ehelka , asxaabta iyo qarankaba waxaa leeyahay samir iyo iimaan sugan.”

Back to top button