Somali News

Ajendaha Shirka maanta ka furmaya Muqdisho

Guddiga qaban qaabada Shirka wadatashoga Qaran ee maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay ajendaha shirka iyo sida ay u hadlayaan madaxda.

Shirkan oo looga hadlayo doorashooyinka iyo amaankoda waxaa ka qeybgalaya madaxda kala duwan ee xilalka ka haya dalka, Madaxweynayaashii hore iyo guddoomiyaha Guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa khudbado ka jeedin doona, waxaa kale oo ka hadli doona Guddoomiyayaasha labada aqal, Guddoga doorashada, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ra’isalwasaara iyo ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo.

Shirkan ayaa waxaa Garwadeen ka ah Beesha Caalamka sida Qaramada Midoobey iyo Dowladda Mareykanka.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku amartay madaxda Dowlad Goboleedyada in aysan ka bixi karin Muqdisho ilaa laga gaaro heshiis doorasho.

Back to top button