FeaturedSomali News

Akhri 2-dan qodob, madaxda maamulladu miyay kala maqaam sarreeyaan ?

 

Madaxwneyne Axmad Cabdi Kaariye ( Qoor-qoor), oo dedaal badan ku bixiyay sidii isfam looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka  ee weli aan laysku fahmin, ayaa gelinkii dambee ee Arbacadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Addan Cabbe iyada oo aan loo qaabilin qaabkii loo soo dhaweeyay dhiggiisa Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmad Maxamed Islaam.

 

Qoor-qoor, ayaa imaanshihiisa Muqdisho waxa uu u muuqday mid bilaa sanqar ah, maadaama aan loo samayn laba hab-maamuus oo  loogu diyaar garoobay soo dhaweyntii  madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

 

  1. Deni iyo Madoobe, waxaa laga soo hormariyay ciidammadooda gaarka ah oo la wareegay gacan ku haynta qaybaha ugu muhiimsan ee garoonka Adan Cadde. Laakiin arrintaa may dhicin in loo sameeyo Qoor-qoor.

 

  1. Waddooyinka magaalada Muqdisho, ayaa loo xiray 24-saac ka hor imaansha hooda. Hase ahaatee Qoor-qoor looma samayn arrintaas.

 

Axmad Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Maxamed Xasan (laftagreen), oo ka dambeeyay Qoor-qoor, ayaanay dhicin in Iyana loo qaabilo qaabkii Madoobe iyo Deni.

Maaha kaladuwanaanshaha laga dareemayo madaxda maamul goboleedadu labadan qodob oo keliya, laakiin waxaa jirta in Deni iyo Madoobe ay u muuqdaan laba nin oo laga leeyahay muraad ka weyn midka laga leeyahay madaxweynayaasha Gal-mudug, Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Back to top button