FeaturedSomali News

Akhri 5 qodob, oo Deni iyo Madoobe ay diidanyihiin iyo shirkii oo maalintii labaad galay

 Shirka madaxda maamullada, gobolka Banaadir iyo madaxweyne Farmaajo, oo muddo soo jiitamayay ayaa maalitiisii labaad ka soconaya Muqdisho ka dib markii uu furmay maalintii  Axadda ee shalay.

 
Wajiga koobaad ee shirka, waxaa lasheegay in lagu gorfeeyay qodobadii lagu gaaray shirkii Dhuusa-mareeb 3, oo ay ka maqnaayeen Puntland Iyo Jubbaland .
 

Axmad Madoobe iyo Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa wararku sheegayaan in ay ka soo horjeedaan shantan qodob ee hoos ku qoran. 

1. Qodobka ah qeexaya  in tirada ergada laga dhigo  3012 xubnood.

,2. Awoodda la siiyey guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaranka.

3. Qodobka dhigaya in afar deegaan ay ka dhacdo doorashada.

4. Qodobka oranaya magaaladii ay jirto amni darro, doorashada hallaga wareejiyo oo meel kale haloo wareejiyo.

5. Qodobka dhigaya in doorashada lagu galo hanaan xisbi iyo kuwa kale.

Qodobadan  lasheegay in ay diidan yihiin Deni iyo Axmad Madoobe, ayaa dadka qaar aaminsanyihiin in ay u xaqlinayaan xagga madaxweyne Farmaajo. Taasina ay keeni karto in qorshaha doorshada uu markasta ku gacan sarreeyo Farmaajo.
Back to top button